​Mareykanka oo howlgal ka fuliyay dalka Yemen

Image

Ciidamada cirka ee dowlada Mareykanka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Bayda ee koonfurta Yemen, kaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 40 qof, oo ay ku jireen dad shacab ah.

Warbaahinta Yemen ayaa sheegtay in Ciidamada Mareykanka weerareen guri ku yaalla degmada Qifah, halkaasi oo ay ku bartilmaameedsadeen hogaamiye sare oo katirsan Al Qaeda.

Hogaamiye la weeraray oo lagu magacaabo Cabdul-ra'uuf ayaa la sheegay in uu ku dhintay dagaal dhexmaray ciidamada Mareykanka iyo dagaalyahanada Al Qaeda.

30 kamid ah kuwa weerarka lagu dilay waxay ahaayeen xubno katirsan Al Qaeda.

Hal Askari oo ciidamada Mareykanka kamid ahaa ayaa isna lagu dilay weerarka gaarka ah ee ka dhacay Koonfurta dalka Yemen, waxaana wali jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Al Qaeda oo la xiriirak dilka hogaamiyahooda.

Labo Sano kahor, ayaa ciidamada Mareykanka waxay ka fuliyeen gobolka Hadhramaut, howlgal kan lamid ah, oo ay doonayeen inay kusoo badbaadiyeen wariye u dhashay Mareykanka, oo u afduubnkaa Al Qaeda.

Howlgalkaasi ayaa noqday mid fashilmay, kadib markii Al Qaeda dileen Suxufiga howlgalka laguu soo badbaadin lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM