Mareykanka oo joogitaan diblomaasiyeed dib uga billaabay Soomaaliya

Image

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa dib usoo celiyay howlgalkeedii diblomaasiyasadeed ee Soomaaliya kadib 28 sano markii uu xiray Safaaradiisii Muqdisho, xilligaasi oo dalka uu ka qarxay dagaalkii sokeeye.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka, Heather Nauert ayaa sheegtay in soo celinta joogitaankooda diblomaasiyasadeed ay tahay mid taariikhi ah oo ka turjumeysa horumarka Soomaaliya.

"Tallaabadan taariikhiga ah ayaa ka tarjumeysa horumarka Soomaaliya ku tallaabsatay sanadihii la soo dhaafay, waana talaabo kale oo loo qaadey soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Soomaaliya tan iyo markii uu aqoonsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya 2013," ayay tiri Heather Nauert.

Mareykanka ayaa markii uu aqoonsaday dowladdii lagu doortay Muqdisho ee uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu xafiiska ka shaqeeyay xiriirka ka furtay gudaha xerada Xalane 2015.

Markii hogaamiye kooxeedyada afgembiyeen dowladdii Militeriga ee uu hogaaminayay AUN Jeneraal Maxamed Siyaad Barre 1991, Mareykanka ayaan wax xiriir ah la sameynin dowladihii KMG ahaa ee soo maray dalka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa usoo magacaabey horaantii sanadkan Donald Yamamoto inuu noqday safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, kaasoo bishii lasoo dhaafay uu warqadihiisa aqoonsiga ka gudoomay Madaxweyne Farmaajo, kadib munaasabad ka dhacay gudaha Xalane.

Safiirka cusub ayaa ah diblomaasi mudo dheer kasoo shaqeeyay dalalka Geeska Africa, isagoo u fadhiyay Mareykanka dalal Jabuuti iyo Itoobiya ay kamid yihiin.

Yamamoto iyo shaqaalaha kale ee Safaaradda ayaa laga billaabo maanta ku shaqeyn doono Soomaaliya, inkastoo wali aysan si rasmi ah Safaaradda loogu soo wareejin Muqdisho, taasoo degan Nairobi.

Dib u howlgelintan safaaradda, ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka Soomaaliya uu Madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo haysta dhalashada Mareykanka.

Mareykanka ayaa hadda diiradda ku haya Soomaaliya, iyadoo uu ka fulinayo weeraro dhanka cirka ah iyo howlgallo gaar ah, oo uu kula dagaalamayo kooxaha argagaxisada, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM