​Mareykanka oo Liiska Argagixisada ka saaray Mukhtaar Roobow

Image

WASHINGTON, USA -  Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in maamulka Madaxweyne Trump uu Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ka saarey Liiska Argagaxisada.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ka qaadey Abu Mansuur Lacag la duldhigay Madaxiisa bishii June 2012, taasi oo gaaraysa $5 Million [Shan Milyan oo Doolar], oo loo balan-qaadey qofkii soo sheega xog horseedi karta soo qabashadiisa.

Sheekh Mukhtaar oo sanado kahor kasoo goostey Al shabaab, kadib markii ay isku dhaceen hogaamiyahii  Kooxdan Axmed Godane, oo Mareykanka Duqeyn cirka ah ku diley September 2014.

Labada hogaamiye ayaa isku khilaafey dilalka uu Axmed Godane kuu hayay hogaamiyaasha Ajnabiga ah, taasi oo keentay in dhowr Hogaamiye oo uu kamid yahay Xasan Daahir inay Kooxda kasoo baxaan.

Abu Mansuur horey usoo noqday ku xigeenka Hogaamiyaha Al shabaab, iyo Afhayeen ayaa isaga iyo Malleeshiya taabacsan ku sugan deegaanka Abaal, oo Koonfurta magaalada Xudur, ee gobolka Bakool.

Go'aanka Mareykanka ayaa ka dambeeyay markii ay dowladda Federaalka Somalia ay codsi u dirtey Wasaarada Arrimaha Dibadda dalkaasi, si loo fududeeyo Wadahadalka ay kula jirto Roobow.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM