Mareykanka oo qiray in duqeyn looga adkaan karin Al-Shabaab

Image

WASHINGTON - Taliska Mareykanka ee Africa, [AFRICOM] ayaa qiray in duqeymaha dhanka cirka ah aan looga adkaan karin kooxda Al-Shabaab, balse ay fursad siinayso ciidamada dowladda Somalia inay ku xoogeystaan.

Jeneraal Thomas Waldhauser, oo ah taliyaha AFRICOM oo warbixin siinayay guddiga difaaca Senate-ka dalkiisa ayaa sheegay in duqeyama aaney ahayn kuwa marka ugu dambeysa ka adkaan kara Al Shabaab.

"Ciidamada qaranka Somalia waxaa looga baahan yahay inuu xoogeysto, islamarkaana uu kordhiyo degaallada ay kula wareegaan mas'uuliyadda amniga dalkooda," ayuu yiri Waldhauser.

Tan iyo horaantii 2017, Mareykanka ayaa sare u qaadey weerarada diyaaradihiisa dagaalka ka fuliyaan Somalia, iyadoo ay geysteen 35 duqeyn, halka 2018 47 weerar halkan sanadkan uu hadda marayo ku dhawaad 15.

Al-Shabaab ayaa laga saarey magaalooyin muhiim ah, oo Muqdisho ay kamid tahay Muqdisho tan iyo 2011 kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM duulaan ku qaadeen goobaha ay ku sugan tahay.

Laakiin, Kooxdan ayaa wali khatar ku haysa amniga dalka, iyo wadamada deriska, gaar ahaan Kenya oo bishii lasoo dhaafay ay weerar ku qaadey hotel-ka Dusit ee ku yaalla Nairobi, halkaasi oo lagu dilay 22 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM