Mareykanka oo shaaciyay magaca Askari looga dilay Soomaaliya

Image

WASHINGTON - Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka [Pentagon], ayaa shaacisay maanta oo Axad ah magaca Askari American ah oo Jimchii lagu dilay weerar ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Askariga ayaa magaciisa lagu sheegay Staff Sgt. Alexander Conrad, oo 26 jir ahaa islamarkaana katirsanaa Guutada 1aad ee Ciidamada gaarka Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya.

Weerarka lagu khaarijiyay Askarigan oo ka dhacay Jimcihii lasoo dhaafay Tuulada Baar-Sanguni oo qiyaastii 45-KM dhanka woqooyi uga beegan Kismaayo ayaa waxaa lagu dhaawacay sidoo kale afar kale oo uu ku jiro mid Kenyan ah.

Alexandar wuxuu ku dhashay magaaladda Chandler, oo ka tirsan gobolka Arizona.

Weerar hoobiyaal ah iyo mid toos ah oo lagu qaadey Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo Soomaali, Kenyan iyo American isagu jira oo dhacay Jimcihii, abaare 2:45 p.m. waqtiga geeska Africa ayuu ku dhintay Askariga, iyadoo 4 kale ay ku dhaawacmeen.

Afarta kale ee dhaawaca ah ayaa loo qaadey Isbitaal ku yaalla Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi, halkaasi oo lagu daaweynayo, sida lagu xaqiijiyay war kasoo baxay AFRICOM.

Saldhiga la weeraray oo ahaa mid cusub oo dhawaan Baar-Sanguuni ka sameysteen Ciidamada Kenya, Soomaalida iyo kuwa Mareykanka oo gaarayay 800 oo Askari ayaa maanta dib ula wareegtay Al-Shabaab. [Halkan ka akhri Warka].

Conrad, wuxuu kasoo qalin jabiyay xarunta tababarka ee Fort Bragg, oo ku taala gobolka North Carolina, isagoo mudo sanado ah kasoo mid ahaa Guutada 1aad ee Battalion iyo midka 3aad ciidamada gaarka ah.

Weerarka lagu dilay wuxuu yimid maalin un kadib markii Pentagon-ka Mareykanka uu shaaciyay in duqayn ka dhacday Soomaaliya ay ku dileen 27 kamid ah Kooxda Al-Shabaab.

Thomas Waldhauser oo ah Taliyaha taliska Afrika ee Mareykanka ayaa balanqaaday inay xoojin doonan howlgallada ka dhanka ah argigixisada Afrika, gaar ahaan Soomaaliya ayna jawaab cad ka bixin doonan.

Waa Askarigii 1aad oo Mareykanka looga dilo Soomaaliya 2018 looga, iyadoo bishii May ee 2017 looga dilay deegaanka Bariire 1 Askari oo kamid ahaa Navy SEAL.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM