Mareykanka oo war culus kasoo saarey weerarkii Bariire

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay si dhab ah u baarayaan warar sheegaya in dad rayid ah lagu dilay weerar ay gacan caawin ah ka geesteen oo Ciidanka dowladda Soomaaliya ku qaadeen Al-Shabaab.

War saxaafadeedka AFRICOM ayaa soo baxay maalin kadib markii Saraakiil katirsan Sirdoonka Soomaaliya ay sheegeen in howlgalka lagu qabtey 3 hogaamiye oo katirsan Al Shabaab.

Dadka degaanka ah oo ay ku jiraan qaraabada ayaa u sheegay AP in shantii qof ay ku dhinteen aroortii Arbacadii inay yihiin beeralay, oo aan ahayn dagaalyahanno.

Shan ka mid ah maydka ayaa lagu soo bandhigay Khamiistii Isbitaal ku yaal caasimadda Muqdisho.

Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadiisu ay gacan ka geysteen hawlgal ay fuliyeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, oo lagu qaadey saldhigyo ay Al-shabaab ku leedahay duleedka deegaanka Bariire.

Maraykanka ayaa sheegay inay dib u eegi doonaan wixii macluumaad ah ee ku saabsan dhacdada.

Dhinac kale, Afhayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Soomaaliya, oo lagu magacaabo Cabdicasiis Xildhibaan ayaa beeniyay in shacab lagu dilay weerarka ay fuliyeen Ciidamada DFS iyo kuwa Mareykanka. [Halkan ka akhri Warka].

Militeriga Mareykanka ayaa kordhiyay howlgalka Soomaaliya tan iyo markii uu Trump loo doortay Madaxweynaha dalkaasi, isagoo bixiyay amar ah in la xoojiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM