​Mareykanka oo xiraya xadka uu la-wadaado Mexico

Image

Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay go'aan cusub oo lagu xirayo xadka dalkiisa uu la wadaago waddanka Mexico.

Trump ayaa amar ku bixiyay in laga dhiso xadka Mexico derbiga dherirkiisu yahay 2,000 oo Mile, kaasi oo qeyb ka ahaa ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee hogaamiyahaas, xilligii ololaha doorashada uu sameeyay.

Golaha Senate-ka USA ayaa la filayaa inuu meelmariyo go'aankan

Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Peña Nieto ayaa canbaareeyey tallaabada Donald Trump uu ku gaarey inuu dhiso derbiga.

Sidoo kale Donald Trump ayaa amray in la dhimo dhaqaalaha dadka soogalootiga ah ee ku nool Mareykanka, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inaysan haysan sharciyada dalkaasi.

Go'aanada cusub ee Donald Trump ayaa waxaa si aad ah u dhaleeceeyay siyaasiyiinta dalkaasi, iyo malaayiin u dhashay Mareykanka, oo ku tilmaamay mid keeni karta amni darro iyo qalalaase cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM