Mareykanka: Trump oo abuuray cabsi ku saabsan soo-galootiga

Image

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale khamiistii abuuray cabsi ku saabsan dadka soo-galootiga ah ee aan sharciga lahayn, isaga oo ballan-qaaday amar madaxweyne oo xaddidaya dadka magangalyo doonka ah ee kasoo galaya xuduudda koonfureed ee Mareykanka.

Isaga oo taageerayaal kula hadlayey magaalada Columbia ee gobolka Missouri, ayaa Trump waxa uu sheegay inuu wax ka beddelayo qodobka dastuurka Mareykanka ee dhalashada siinaya qof kasta oo ku dhasha dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo waxa uu ugu yeeray “dhalashada dalxiiska”, oo ah haweenka ajnabiga ah ee ayaga oo uurka leh yimaada Mareykanka, si ay ugu dhalaan ilmo, kuwaas oo durbadiiba noqda muwaadiniin Mareykan ah.

Trump ayaa sheegay inuu amar madaxweyne wax uga beddeli karo qodobka 14-aad ee dastuurka, hase yeeshee dadka sharciga yaqaan ayaa sheegay inay u baahan tahay wax ka badan qoraal madaxweyne, in isbeddel lagu sameeyo dastuurka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sidoo kale isu soo baxa ka sheegay inuu kasoo horjeeda waxa loo yaqaan “silsiladda socdaalka” ee ah in dadka qaata dhalashada Mareykanka ay qoysaskooda keeni karaan Mareykanka.

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM