​Masar oo liiska Argagixisada ku dartay Cayaaryahan hore

Image

Dowladda Masar ayaa liiska Argagixisada ku dartay Cayaar yahay hore oo katirsanaa Kooxda Al-Ahli iyo xulka qaran dalkaas kadib markii lagusoo eedeeyay inuu taageeray kooxda waddankaas laga mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin.

Masar, ayaa sheegay in ninka lagu magacaabo Mohamed Aboutrika, uu taageero dhaqaale u fidiyay kooxdaas waqtigii la doortay Madaxweynihii shacabka ee Maxamed Mursi sannadkii 2012.

Laacibkan sannadkii 2008-dii ku guulaysatay cayaaryahanka Africa ee BBC-da, ayaa lagusoo rogay xayiraad dhinaca Baasaboorka iyo hantidiisa ah, taasoo inta badan ah qorshe ay xukuumadda Masar ku ciqaabto xubnaha ay ku xiriiro kooxda dalkaasi laga mamnuucay.

Balse, Qareenka u doodayay Mohamed Aboutrika, ayaa beeniyay arrintaas, wuxuuna sheegay in go'aankaas lagu dag-dagay iyadoo aan laga fiirsana dowladdu ku dhaqaaqday.

Wuxuu meesha ka saaray inuu wax taageero ah u fidiyay Ikhwaanul Muslimiin, isagoo tilmaamay inuu yahay laacib magac iyo miisaan kuleh dalkiisa.

Tallaadaba ayaa noqotay mid aad u hadal hayaan teegeerayaasha xidigan iyo dhammaan bulshada caalamka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay kooxdiisii hore iyo xulka Qaran Masar oo ku aadan dambiga ninkan loo haysto.

Xukuumadda uu Hogaamiyo Al Siisi, ayaa mamnuucday waxa loogu yeero Ikhwaanul Muslimiin waxaana cid kasta oo lala xiriiro uu noqdaa Argagixiso aad loo raadiyo islamarkaana aan ka safri karin dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM