Masar oo xaalad deg deg ah la galiyay

Image

QAHIRA, Masar- Madaxweynaha  dowladda Masar, Abdul Fattah al-Sisi, ayaa waddankaas ku soo rogay xaalad deg deg ah kadib markii shalay la weeraray labo Kaniiisadood oo ay ku dhinteen 45 qof.

Kasiinadaha waxaa iska leh Qibdiyiinta laga tirada Madanyahay ee Masar.

Wuxuu ku dhawaaqay al-Sisi in dalku galayo muddo 3 bilood ah, tallaabadaas oo wax looga qabanayo xaaladda amni darro ee soo korortay.

Madaxweyne Sisi ayaa horay u amray in ciidanka milateriga Masar howlgalo ka sameeyaan guud ahaan dalka.

Weeraradii shalay ka dhacay magaalooyinka Tanta iyo Alexandria, ayaa yimid xilli xaaladda Masar muddooyinkii dambe ay aad u wanaagsanayd.

Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ISISayaa sheegtay  Mas’uuliyadda Qaraxyada lagu weeraray Kaniisadaha oo ku yaalla magaalooyinka Masiixiyiinta laga tirada badan yihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM