Masar: Xusni Mubaarak oo xabsiga laga sii daayay

Image

Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.

Waxaa xabsigaasi la geliyay 2011 markii xukunka laga tuuray. Waxaa lagu hayay cisbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira.

Go'aankan ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taasoo ku weyday dacwado la xiriirinayo dilka tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka looga tuuray sanadkii 2011. 

Mudadii la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku mutaystay wax isdaba marin.  Qareenkiisa ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali inuu gurigiisa ku laabto.

BBC

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM