Maxaa ka jira in 'Kim Jong Un' uu Booqasho qarsoodi ah ku tagey China?

Image

BEIJING - Madaxweynaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong Un ayaa booqasho qarsoodi ah ku tagey Todobaadkan dalka China, sida ay xaqiijiysay Wakaaladda Wararka China ee Xinhua.

Booqashada oo qaadatey mudo saddex maalmood ah, ayaa waxa uu Kim Jong Un ku tagey magaalada Beijing maalintii Axadda ee lasoo dhaafay, iyadoo warka ku saabsan Booqashadiisa laga qariyay warbaahinta caalamka.

Kim Jong Un oo ah wehliso xaaskiisa Ri Sol Ju iyo madax kale oo katirsan dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa safar dhulka ah ku gaarey magaalada Beijing, isagoo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay aqalka Madaxtooyada ee Great Hall.

Madaxweynaha China Xi Jinping ayaa si diiran usoo dhaweeyay Kim Jong Un iyo wafdigiisa, waxaana ay kawada hadleen arrimo xasaasi ah, oo aan wali lala wadaagin Warbaahinta.

Booqashada Kim Jong Un oo kusoo beegantay xilli xiisadda ay ka taagan tahay gacanka Kuuriya [Korean Peninsula] ayay warbaahinta China shaacisay markii uu dib ugu laabtey dalkiisa, gaar ahaan magaalada  Pyongyang.

Waa safarkii ugu horeysay oo Kim Jong Un dibadda uga baxo dalka Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii uu xukunka ka dhaxlay Aabihiisa Kim Jong-il bishii December 2011.

Wararka ayaa sheegay in safarka Kim Jogn Un uu ka dambeeya casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha China Xi Jinping kadib markii mar labaad loo doortay Madaxweynaha China, isagoo heyn doono xilka illaa uu ka geeriyoodo.

Kim Jogn Un ayaa hambalyo u diray Xi Jinping markii dib loo doortey.

China ayaa xiriir wanaagsan oo dhanka Ganacsiga ah kala dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi, oo Gollaha Amaanka ay saareen xayiraado dhaqaale kadin markii dalkaasi uu diiday inuu joojiyo barnaamijka hubka Niyukleerka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM