Maxamed Bin Salman oo ku wajahan Masar

Image

QAARIHA - Wafdi uu hogaaminayo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu booqasho ku tago magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Mohammed bin Salman oo ah sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga Sacuudiga ayaa booqasho 3 maalin qaadan doonto ku tagayaa Masar, isagoo lagu wado inuu la kulmo Madaxweyne Abdel Fattah Al-Sisi.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi ayaa lagu xaqiijiyay booqashada Mohammed bin Salman ee magaalada Qaahira, taasi oo kusoo beegmaysa xilli xiisad ay ka jirta Khaliijka.

Xoojinta Xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka ayaa diirada lagu saari doono kulanka Madaxweyne Al Siis iyo Mohammed bin Salman, waxaana la filayaa in ay isla soo qaadaan doorashada Masar ay ka dhacaysa bishan.

Masar iyo Sacuudiga ayaa xiriirkooda sii xoogeysanayay wixii ka dambeeyay 2013 markii uu Jeneraal Al Siisi xukunka afgembi ugala wareegay Maxamed Morsi oo ahaa Madaxweyne uu shacabka doortay.

Sacuudiga ayaa siiyay dowladda Al Siisi 20 bilyan oo Doollar kadib markii Masar ay siisay dhowr Jaziiradood oo ku yaalla dalkaasi.

Mohamed Bin Salman ayaa safarkiisa Masar kadib booqasho ku tagi doono dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka 7 ilaa 19 bishan Maarso, sida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo Putin Ka Dalbaday Taageero Kadib Weerarka Maraykanku ku Qaaday Iran

Inkastoo Putin uu cambaareeyay duqeymaha Israa’iil, haddana weli kama hadlin weerarradii Mareykanka.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 12:34PM

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM