Maxay salka ku haysaa booqashada Abiy Axmed uu ku tagayo Jigjiga?

Image

ADDIS ABABA - Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Itoobiya, Abiy Axmed ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda uu booqashadiisii ugu horeysay ku tago magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Wararka laga helay magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Abiy oo ay wehlinayaan madax sare ay la kulmi doonaan mas'uliyiinta gobolka, iyadoo uu sidoo kale uu khubad u jeedin doonaa shacabka.

Safarka Abiy ee gobolkan ayaa ujeedkiisu yahay dib u heshiisiin lagu dhameynayo isku dhacyada u dhaxeya dadka Soomaalida ah iyo qowmiyadda Oromada ee uu isaga kasoo jeedo.

Waxa uu inta uu joogo Jigjiga uu kala hadlin doonaan hogaanka Siyaasadda iyo Odayaasha deegaanka arrimaha xasiiloonida, amniga iyo sidii loo xalin lahaa colaadda Soomaalida iyo Oromada.

Booqashadiisa Jigjiga ayaa qeyb ka ah socdaal uu Abiy ku mari doono sagaalka gobol ee uu ka koobanyahay dalka Itoobiya, kahor inta uusan soo magacaabin Gollahiisa Wasiiradda cusub.

Abiy Axmed Cali, oo ah Ra'iisul Wasaarihii 12aad ee Itoobiya ay yeelato ayaa 2-dii bishan April xafiiska kala wareegay xafiiska kala wareegay Hailemariam Desalegn, oo is-casilay xilka bishii Febuary, 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM