Maxkamad fasaxday Nin lagu eedeeyay inuu Nabiga u gafey

Image

GAALKACYO, Somaaliya - Maxkamad ku taalla Koonfurta magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegtay in dembi lagu waayay nin lagu eedeeyay in uu Sawir meel yaalla ku tilmaamay Nabi Maxamed (SCW).

Garsooraha Maxkamadda, Sheekh Maxamed Macallin Cali, ayaa ku dhawaaqay in Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali "Cilmi Yare" in lagu waayay eedihii loo soo jeediyay, kadib markii Su'aallo ay waydiiyeen.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Galmudug, Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed, inuu ku deg-degay amarkii uu soo saarey, ee ahaa in lasoo xiro Sheekh Cabdiweli.

Sheekh Cabdiweli oo ku sugan Koonfur Gaalkacyo, oo Wareysi siiyay BBC-da ayaa tilmaamay in Sawirka lagu baahiyay baraha Bulshada, uu yahay Sheekhiisa, oo uu markaasi amaaney, balse uusan ku tilmaamin inuu Nabi Maxamed (SCW)  uu yahay.

Nin lagu tilmaamay inuu yahay Nabi Maxamed (SCW), ayaa isna hadlay, oo sheegay inuusan sheegan Nabi-nimo, islamarkaana si qaldan loo adeegsaday Sawirkiisa, isagoo aan ka warheynin.

Hay’adda Culimadda Somaaliyeed ayaa bayaan kasoo saartey arintan, waxayna ku tilmaantay Ninka u gefay Nabigeena Maxamed (SCW), inuu ka baxay Diinta Islaamka, iyadoo ka codsatay Galmudug iyo dowladda Federaalka in ninkaasi Cadaaladda lasoo taago.

GAROWEONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM