Maxkamada Sare ee dalka Kenya oo laashay doorashadii Uhuru

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamadda sare ee Kenya ayaa go'aamisay in lagu celiyo doorashadii dhawaan lagu soo gabogabeeyay dalkaasi, ee uu ku guulaystay madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Maxkamadda ugu saraysa dalka ayaa sheegtay in guddiga doorashada ee Kenya uusan si hufan u qabanin hannaankii doorashada.

Sidaas dareedeedna guddiga doorashadu waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay natiijadii ay dhawaan ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwada qaadaysay ayaa go'aamiyay in aysan si hufan u dhicin doorashadii madaxweynenimadu sidaas daraadeedna waxay amartay in dib loogu noqdo.

Labo ka mid ah garsooreyaasha ayaa qaatay go'aan midkaas ka duwan, halka midkii todobaadna uu ka xannuunsanaa maalmihii u dambeeyay.

Maxkamaddu waxaa kale oo ay amartay in lixdan maalmood gudahood lagu qabto doorashada.

Taariikhda Kenya waa markii koobaad ee doorasho madaxweyne ay maxkamadi dib u celiso.

BBC + GO

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM