​Maxkamadda Sare ee Masar oo hakisay xukunkii Mursi

Image

Maxkamadda sare ee dalka Masar ayaa maanta laashay xukunkii xabsi daa’inka ahaa ee lagu riday madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalkaas Mohamed Morsi oo ka tirsan kooxda Ikhwaanul Muslimiin.

Maxkamadda ayaa amartay in dib loo qaado maxkamadda kiiska Morsi oo la xiriira eedeymo ku saabsan inuu u jaajuusay kooxda Xamas ee Falastiin.

Maxkamaddan ayaa sidoo kale toddobaadkii tagay waxay laashay xukunkii dilka toogasho ee Morsi lagu riday, taasi oo macanaheedu yahay inaanu iminka wajaheen in la dilo.

Morsi oo si dimoqraadi ah loo doortay kadib kacdoonkii dalka Masar ee sanaddii 2011, ayaa waxaa xukunka ka tuuray Abdel Fattah al-Sissi sanaddii 2013, kadib banaanbaxyo xooggan oo ka dhan ahaa, ayada kadibna xabsiga la dhigay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM