​Maxkamadda Sare ee Masar oo hakisay xukunkii Mursi

Image

Maxkamadda sare ee dalka Masar ayaa maanta laashay xukunkii xabsi daa’inka ahaa ee lagu riday madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalkaas Mohamed Morsi oo ka tirsan kooxda Ikhwaanul Muslimiin.

Maxkamadda ayaa amartay in dib loo qaado maxkamadda kiiska Morsi oo la xiriira eedeymo ku saabsan inuu u jaajuusay kooxda Xamas ee Falastiin.

Maxkamaddan ayaa sidoo kale toddobaadkii tagay waxay laashay xukunkii dilka toogasho ee Morsi lagu riday, taasi oo macanaheedu yahay inaanu iminka wajaheen in la dilo.

Morsi oo si dimoqraadi ah loo doortay kadib kacdoonkii dalka Masar ee sanaddii 2011, ayaa waxaa xukunka ka tuuray Abdel Fattah al-Sissi sanaddii 2013, kadib banaanbaxyo xooggan oo ka dhan ahaa, ayada kadibna xabsiga la dhigay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM