Maxkmadda Sare ee Kenya oo ayiday Guushii Kenyatta

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa anisixisay natiijada doorashadii ku celiska ee ka dhacday 26-kii bishii lasoo dhaafay dalkaasi, taasoo mar labaad Madaxweyne loogu doortay Uhuru Kenyatta.

Gudoomiyaha Maxkmadda David Maraga ayaa sheegay in ay ansax tahay doorashada islamarkaana uu Uhuru Kenyatta yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalka Kenya.

Waxuu David Maraga laalay dacwado ay soo gudbiyeen lix garsoore oo ku dalbanayay in doorashadii lagu celiyay aan la ayidin, maadaama dhamaan degmooyinka dalkaasi oo gaaraya  291 aan ka dhicin codbixinta.

Doorashada ku celiska waxaa amartay Maxkamadda Sare kadib markii ay laashay doorashadii hore ee bishii August 8, oo uu ku guuleystay Madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Go'aanka cusub ee Maxkamadda Sare ayaan la ogayn inuu aqbali doono Hogaamiyaha Mucaaradka dalkaasi Kenya Raila Odinga oo aan ka qeyngalin tartanka. Uhuru ayaa ku guuleystay 98% codadkii ay shacabka dhiibteen, isagoo aan la tartamin Raila Odinga. 

Uhuru Kenyatta ayaa loo caleemo-saari doonaa xilka marlabaad November 28, iyadoo aan la ogeyn in halkaasi uu kusoo dhamaan doono dhibaatooyinka siyaasadeed ee la dagay Kenya oo ah dalka ugu dhaqaalaha badan, uguna hormarsan dalalka ku yaalla bariga Africa.

Axadii lasoo dhaafay, ugu yaraan 4 kamid ahaa Taageeriyaasha Raila Odinga ayaa lagu dilay magaalada Nairobi, iyadoo dilkooda lagu eedeeyay Booliska, inkastoo ay iska fogeeyeen.

Raila Odinga magaalooyinka ay ku xoog badan yihiin taageeriyaashiisa waxaa ka dhacayay tan iyo doorashadii ku celiska dibadbaxyo rabashado wata oo dad badan ay ku dhinteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM