Maxkmadda Sare ee Kenya oo ayiday Guushii Kenyatta

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa anisixisay natiijada doorashadii ku celiska ee ka dhacday 26-kii bishii lasoo dhaafay dalkaasi, taasoo mar labaad Madaxweyne loogu doortay Uhuru Kenyatta.

Gudoomiyaha Maxkmadda David Maraga ayaa sheegay in ay ansax tahay doorashada islamarkaana uu Uhuru Kenyatta yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalka Kenya.

Waxuu David Maraga laalay dacwado ay soo gudbiyeen lix garsoore oo ku dalbanayay in doorashadii lagu celiyay aan la ayidin, maadaama dhamaan degmooyinka dalkaasi oo gaaraya  291 aan ka dhicin codbixinta.

Doorashada ku celiska waxaa amartay Maxkamadda Sare kadib markii ay laashay doorashadii hore ee bishii August 8, oo uu ku guuleystay Madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Go'aanka cusub ee Maxkamadda Sare ayaan la ogayn inuu aqbali doono Hogaamiyaha Mucaaradka dalkaasi Kenya Raila Odinga oo aan ka qeyngalin tartanka. Uhuru ayaa ku guuleystay 98% codadkii ay shacabka dhiibteen, isagoo aan la tartamin Raila Odinga. 

Uhuru Kenyatta ayaa loo caleemo-saari doonaa xilka marlabaad November 28, iyadoo aan la ogeyn in halkaasi uu kusoo dhamaan doono dhibaatooyinka siyaasadeed ee la dagay Kenya oo ah dalka ugu dhaqaalaha badan, uguna hormarsan dalalka ku yaalla bariga Africa.

Axadii lasoo dhaafay, ugu yaraan 4 kamid ahaa Taageeriyaasha Raila Odinga ayaa lagu dilay magaalada Nairobi, iyadoo dilkooda lagu eedeeyay Booliska, inkastoo ay iska fogeeyeen.

Raila Odinga magaalooyinka ay ku xoog badan yihiin taageeriyaashiisa waxaa ka dhacayay tan iyo doorashadii ku celiska dibadbaxyo rabashado wata oo dad badan ay ku dhinteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM

Sababta Mareykanka u Weeraray Iran iyo Ajandaha Ka Dambeeya

Arrintan ayaa horseedaysa xaalad cakiran oo gobolka ah, iyadoo wadamada caalamka ay ku baaqayaan in la helo wadahadal iyo xal nabadeed.

  • Caalamka

    22-06-2025

  • 11:57AM