Militariga Namibia oo ‘loo waayay’ Saad iyo Cunto

Image

Kumanaan kun oo ka tirsan militariga dalka Namibia ayaa fasax loo direy kadib markii sida la sheegay la waayay lacag loogu iibiyo raashiinka askarta loo kariyo.

Waxaa xitaa la waayay lacag lagu bixiyo biyaha, iyo korontada xerooyinka ciidanka.

Askarta hadda fasaxa ku maqan ayaa lagu wargaliyay in aysan shaqada kusoo laabanin.

Wasaaradda difaaca ayaa sheegtay in uu soo wajahay qalalaase dhaqaale kadib markii ay dowladda dhintay miisaaniyadda ciidanka ku bixi jirtay si loo yareeyo qarashka dowladda ku baxa.

Madaxweyne Hage Geingob ayaa sidoo kale saraakiisha dowladda ka mamnuucay safarada dibedda.

Madaxweynaha ayaa xitaa joojiyay isticmaalka diyaaradda gaarka ah ee madaxtooyada, isaga oo shirkii Midoowga Afrika ee dhawaan Addis Ababa ka dhacay ku aaday diyaarad shacab ah.

Waxa kale oo uu go'aansaday in uu safarada dibedda oo kaliya aado marka ay muhiim yihiin, una wato wafti aad u tiro yar.

Deynta lagu leeyahay dowladda ayaa korortay sanadihii dhawaa, iyada oo dadka maalgashadayaasha ah ay ka digeen arrintaas.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM