​Mo Farax oo ku guulaystay Orodka 10,000m

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Orodyahanka reer Britain balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Somalia ayaa xalay ku guulaystay biladda Dahabka ah 10,000m kadib markii uu guul ka gaaray Orodkii xalay ka dhacay magaalada Rio ee dalla Brazil.

Mo Farax ayaa dadaal dheer muujiyay xalay, wuxuuna sameeyay wacadaro cajiib ah maadaama intii orodka lagu jiray Kufay kadib markii Jallaafo u dhigay ninka reer Maraykan ee ay isku macallinka yihiin Galen Rupp.

Farax ayaa kasoo muuqday safka ugu dambeeyay laakiin wuxuu hal mar xowli uga soo hormaray dhammaan cayaaryahannnadii la ordayay kaasoo ugu horeeyay ninka reer Kenya ee Tanui.

Wuxuu dicaafday Billadiisii uu qaaday 2012 markaasooku guulaystay orodka 10,000 iyo 5,000.

Kaalinta labaad waxaa galay ninka reer Kenya ee Tanui.

GARWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM