Muhaajiriin badan oo ku dhintay Xeebaha Libya [Dalalka ay kasoo jeedaan]

Image

LIBYA - Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in muhaaajiriin ka badan 100 qof ay toddobaadkan dhinteen, kadib markii ay degeen doomo ay la socdeen.

Muhaajiriintani ayaa sida ay hay'adda sheegtay ku dhintay xeebaha dalka Liibiya. Dadkani muhaajiriinta ah oo intooda badan ka soo jeeda Afrika ayaa la socday labo doomood.

Sida ay sheegtay hay'adda MSF muhaajiriintani ayaa ku sii jeeday dalalka ku yaalla koonfurta Yurub, gaar ahaan Talyaaniga.

Muhaajiriinta oo horaantii bishan kasoo tagey Xeebaha Libya, ayaa la socday labo doomood, waxaana IMF sheegtay in dadka la socday ay kasoo kalal jeedeen Sudan, Mali, Nigeria, Cameroon, Ghana, Libya, Algeria iyo Egypt.

Caruur mataano ahaa, oo 17 bilood ifka joogay iyo waalidiintooda ayaa kamid ah dadka ku dhintay xeebaha Libya. 

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday musiibadan ayaa MSF u sheegay in mid ka mid ah doomahani uu matoorka cillad kaga yimid islamarkana mida kalana ay quustay.

Ciidamada ilaalada xeebaha Libya ayaa qaar badan oo ka mid ah dadkii badbaaday keenay xeebta dekadda magaalada Khoms.
Muddooyiinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa hoos u dhacday tirada muhaajiriinta dhanka Yurub uga tallaaba badda mediterranean-ka.

Dalka taliyaaniga oo ay inta badan ka dagi jireen muhaajiriintani ayaa dowladda dalkaasi waxa ay muddooyiinkii dambee adkeysay aqbalaada dadka soo galootiga ah.

Dowladaha Malta iyo Taliyaaniga ayaa horey iyagu u diiday in dalalkooda ay ku soo xirtaan doomo sida muhaajiriin. Dowladda Taliyaniga ayaa ugu baaqaysa dalalka kale ee Yurub in ay la qaybsadaan culayska dadka soo galootiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM