​Murashaxiinta Trump iyo Clinton oo xoojiyay Olalahooda

Image

Xill ay ka harsantahay wax ka yar hal todobaad maalinta ay dadka Mareykanka soo dooran doonaan madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka, ayey warbixinti ugu danbeysay ee ra’yiga dadweynaha ee doorashada muujineysaa in musharraxiinta Hillary Clinton iyo Donlad Trum ay aad isugu dhawyihiin.

Trum iyo Clinton oo ka kala socda xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ayaa shalay iyo xalayba xoojiyey ololahooda doorashada.

Donald Trump wuxuu Talaadadi ka ololeeyey Wisconsin, halkaas oo uu dadka Dimoqraadiga ah ee codadkooda siiyey Hillary Clinton ay ka laabtaan oo ay isaga u codeeyaan.

Musharaxa kale ee xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton, ayaa iyaduna ololaheeda ka xoojisay gobolka Florida, halkaas oo ay ka sheegtay in hab dhaqanka Trump ee ka dhanka ah dumarka ay haweenka Mareykanka ku tahay dullinimo, bahdil iyo caay.

VOA

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM