Musharax lagu dilay qarax ka dhacay Afghanistan

Image

KABUL - Musharax u taagnaa doorashooyinka baarlamanka dalka Afghanistan ayaa maanta lagu dilay weerar bombaano oo lagu qaaday xafiiskiisa, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka Helmand.

Omar Zawak, afhayeenka barasaabka gobolka Helmand, ayaa sheegay in Jabbar Qahraman lagu dilay qarax lala beegsaday xafiiskiisa magaalada Lashkargah, kaasi oo sidoo kale dhowr qof oo kale lagu dhaawacay.

Dhinaca kale, dhaqatar ku sugan qeybta xaaladda deg degga ah ee Isbitabka Helmand ayaa sheegay in laba qof ay dhinteen lix kalena ay dhaawacmeen

Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Qahraman walxaha qarxa loo dhex-geliyey kursigiisa. Si kastaba, goobjoogeyaal ayaa VOA u sheegay in qof soo xirtay jaakad qaraxda oo iska soo dhigay taageerihiisa uu isku qarxiyey Qahraman.

Abdul Salam Afghan, afhayeenka gobolka Helmand, ayaa sheegay in koox baarayaal ah ay goobta tageen si ay u baaraan.

Taliban

Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Kooxdan ayaa horaantii bishan ku dhawaaqday inay carqaladeyn doonto doorashooyinka Afghanistan, waxayna taageerayaasha ugu baaqday inay weeraro la beegsadaan dadka ka qeb qaadanaya.

Doorashadan oo muddo dib loo dhigayey ayaa lagu wadaa inay dhacdo 20-ka bishan October, waxaana ka qeyb galaya 2,500 musharax, oo 418 ka mid ah yihiin haween. Waxay u tartamayaan 249 kursi oo ka tirsan Aqalka Hoose.

Dowladda Afghanistan ayaa 54,000 oo askari iyo boolis ugu talo-gashay sugidda amniga doorashada, si loo xaqiijiyo ammaanka codbixiyaasha. Sidoo kale tobanaan kun oo ka mid ah ciidamada NATO ee dalkaas jooga ayaa ballan-qaaday inay gacan ka gaysanayaan sugidda amniga.

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM