​Muslimiin Baabuur lagu jiirsiiyay London

Image
Image
Image

Weerar u ekaa mid si ula kac ah loo fuliyay ayaa ka dhacay magaalada London ee xarunta dalka England, kaasoo lala eegtay Muslimiin kasoo baxday Salaadii Tahajudka.

Qof si xowli ah ku kaxaynayay mid kamid ah baabuurta waaweyn ayaa beegsaday dad kasoo baxay masaajid  ku yaal wadada Seven Sisters Road ee nawaaxiga Finsbury Park.

Hal qof ayaa ku dhintay 10 kalena waa ku dhaawacmeen, kuwaasoo la dhigay goobaha caafimaadka.

Labo kamid ah dadka dhaawacmay ayaa lagusoo waramayaa inay xaaladoodu aad u liidato.

Qofkii fuliyay weerarka ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana qabtay dadkii kale ee shilka ka bad-baaday kuwaasoo la sugay Booliiska.

Arrintan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay weeraro ka dhan ah Muslimiinta oo muddooyinkii dambe kusoo badanyay dalka Ingiriiska.

Booliiska ayaa sheegay in arrintan baaritaan ku hayaan, waxay xuseen in qofka dhibka gaystay da'diisu gaarayso 48 sano, kaasoo aan wali la shaacin magaciisa iyo shakhsiyadiisa intaba.

Goob joogayaal ku sugnaa halka wax ka dhaceen ayaa aaminsan in weerarkan uu ahaa mid argagixiso lagu damacsanaa in gudha looga jaro dad badan oo Muslimiin ah.

Adeega gawaarida gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka.

Muuqaal baraha bulshada lasoo gelliyay dhacdada kadib ayaa muujinaya argagaxa goobtaasi ka dhacay iyadoo dadka halkaasi ku dhawacmayna loo gurmaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM