Nigeria: Gabdho ka baxsaday Boko Haram

Image

ABUJA - Gabdho iskuuley ah iyo macllimiin ayaa waqooyi bari ee dalka Nigeria ka baxsaday weerar ay kooxda Boko Haram ku qaadeen iskuul ah kuwa la seexdo, sida ay ay sheegeen goob joogayaal.

Goobjoogayaasah ayaa sheegay in Isniintii mintidiinta wata gawaari ay yimaadeen magaalada Dapchi, oo ku taalla gobolka Yobe, halkaasi oo rasaas ay ku fireen ayna dhigeen qaraxyo.

Shaqaalaha iskuulka iyo ardayda oo maqlay shanqarta ayay u suuragashay in ay goobta ka baxsadaan.

Bishii April 2014, kooxda Boko Haram ayaa waxay 270 gabdhood ka afduubteen iskuul ku yaalla magaalada Chibok ee wuqooyi bari Nigeria.

Dadka degaanka Dapchi ayaa waxay sheegeen in ay rumaysan yihiin in Boko Haram ay qorshaynayeen in ay afduubtaan gabdhaha iskuulka ay weerareen.

Markii ay dagaalyahanada Boko Haram ogaadeen in iskuulka aysan cidna joogin ayaa waxa ay dhaceen waxyaabihii yaallay halkaasi.

Ciidamada Nigeria oo kaashanaya diyaaradaha militariga ayaa markii dambe dib u riixay maleeshiyaadkan Boko Haram.

Bishii September, koox ka badan 100 gabdhood oo ka mid ahaa gabdhihii laga afduubtay Chibok ayaa dib ula midoobay qoysaskooda xaflad ka dhacday magaalada Abuja.

Qaar badan oo ka mid ah gabdhahani ayaa waxaa lagu siidaayay heshiis muran dhaliyay oo ku saabsanaa kala badalashada maxaabiista.

Kooxda Boko Haram ayaa waxaa heshiiskan dhankooda xabsiga laga siidaayay 5 ka mid ah abaanduulayaashooda.

Balse in ka badan 100 gabdhood ayaa wali gacanta ugu jira kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria.

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM