Nigeria: Gabdho ka baxsaday Boko Haram

Image

ABUJA - Gabdho iskuuley ah iyo macllimiin ayaa waqooyi bari ee dalka Nigeria ka baxsaday weerar ay kooxda Boko Haram ku qaadeen iskuul ah kuwa la seexdo, sida ay ay sheegeen goob joogayaal.

Goobjoogayaasah ayaa sheegay in Isniintii mintidiinta wata gawaari ay yimaadeen magaalada Dapchi, oo ku taalla gobolka Yobe, halkaasi oo rasaas ay ku fireen ayna dhigeen qaraxyo.

Shaqaalaha iskuulka iyo ardayda oo maqlay shanqarta ayay u suuragashay in ay goobta ka baxsadaan.

Bishii April 2014, kooxda Boko Haram ayaa waxay 270 gabdhood ka afduubteen iskuul ku yaalla magaalada Chibok ee wuqooyi bari Nigeria.

Dadka degaanka Dapchi ayaa waxay sheegeen in ay rumaysan yihiin in Boko Haram ay qorshaynayeen in ay afduubtaan gabdhaha iskuulka ay weerareen.

Markii ay dagaalyahanada Boko Haram ogaadeen in iskuulka aysan cidna joogin ayaa waxa ay dhaceen waxyaabihii yaallay halkaasi.

Ciidamada Nigeria oo kaashanaya diyaaradaha militariga ayaa markii dambe dib u riixay maleeshiyaadkan Boko Haram.

Bishii September, koox ka badan 100 gabdhood oo ka mid ahaa gabdhihii laga afduubtay Chibok ayaa dib ula midoobay qoysaskooda xaflad ka dhacday magaalada Abuja.

Qaar badan oo ka mid ah gabdhahani ayaa waxaa lagu siidaayay heshiis muran dhaliyay oo ku saabsanaa kala badalashada maxaabiista.

Kooxda Boko Haram ayaa waxaa heshiiskan dhankooda xabsiga laga siidaayay 5 ka mid ah abaanduulayaashooda.

Balse in ka badan 100 gabdhood ayaa wali gacanta ugu jira kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria.

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM