Nigeria oo xaqiijisay in la afduubay 110 Gabdho oo Iskuuley ah

Image

ABUJA - Dowladda Nigeria ayaa xaqiijisay in Gabdho la la'aa maalmihii lasoo dhaafay la afduubtay kadib markii Kooxda Boko Haram ay weerar ku qaadey Iskuul ay wax ka baranayeen oo ku yaalla waqooyiga bari ee dalkaasi.

"Dowladda Federaalka waxay xaqiijisay in 110 Arday ah laga afduubay Iskuulka Seyniska iyo Tiknoloojiyada ee ku yaalla degmada Dapchi, ee gobolka Yobe, kadib markii Xoogag hubaysan oo katirsan Boko Haram ay ku weerartay Iskuulkooda Isniintii lasoo dhaafay" ayaa lagu yiri War Saxaafadeed kaso baxay dowladda.

Dowladda ayaa horey u beenisay warkan ku saabsan afduubka, taasi oo jahwareer ka abuurtay dalkaasi, iyadoo waalidiinta caruurta ay xaqiijiyeen, waxaana Ciidamada amaanka ku wargeliyeen inay la'yihiin Gabdhahooda.

Afduubka Gabdhaha ayaa keenay in su'aallo la iska waydiiyo sheegashada Militariga Nigeria ee ah in Boko Haram uga adkaadeen dagaalka ay kula jiraan oo socday mudadii 9 sano ee lasoo dhaafay.

Waxa uu sidoo kale Afduubka xasuusiyay reer Nigeria afduubkii kan lamid ahaa ee sanadkii 2014-kii lagu qafaashay 276 oo Gabdhood oo Iskuulkoodii magaalada Chibok ay ka kaxaysatay Boko Haram.

Jimcihii, Madaxweyne Muhammadu Buhari ka raali geliyay qoysaska Gabdhaha dhalay beeninta dowladdiisa afduubkii loo geestay, isagoo dhanka kale shaaciyay in arintaasi ay tahay masiibo qaran.

"Waan ka xunahay in tani markale ay dhacday, oo Gabdho reer Nigeria ah la afduubtay" ayuu yiri Madaxweynaha.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid 2015, Madaxweyne Buhari ayaa lagu dhaliilay inuu ka gaabiyay wax ka qabashada weerarada ka dhacaya dalkiisa, kuwaasi oo lala eegto intooda badan goobaha shacabka.

Iskuuladda, gaar ahaan kuwa lagu dhigo Manhajka cilmaaniga ayay Boko Haram bartilmaameedsatay dhowr jeer oo hore, iyadoo afduub u geysatay boqolaal gabdhood, oo qaarkooda wali gacantooda ku jira.

Boko Haram, oo ah Eray micnihiisu yahay "Waxbarashada reer galbeedka waa mamnuuc" ayaa dagaal kawada dagalka Nigeria tan iyo 2009, iyadoo ay colaadda kala soo horjeedo dowladda ay ku dhinteen [20,000] oo qof.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM