​Nin Dil ku mutaystay Qoraal uu ku baahiyay Facebook

Image

Maxkamad ku taala dalka Pakistan ayaa dil ku xukuntay nin u dhashay dalkaasi oo lagu eedeyay in bartiisa Facebook-ga uu ku qoray waxyaabo ka dhan ah diinta Islaamka.

Ninkan oo lagu magacaabo Taimoor Raza ayaa aflagaadeeyay xaasaskii Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaate iyo saxaabadiisa. Dacwad soo oogaha dalka Pakistan ayaa sheegay in uu rumesanyahay in tani ay tahay markii ugu horeysay xukun dil ah lagu rido kiis ka dhaca baraha bulshada.

Ra'iisal wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif ayaa isna ku tilmaamay waxyaaba ka dhanka ah diinta in ay yihiin dembi aan la isugu cudur daareyn.

Hase ahaate, kooxhaa u dooda xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiyay xukunkaan dilka ah, waxaana arrintani ilaa iyo hadda aanan ka hadlin Shirkada Facebook-ga.

Shirakda Facebook-ga ayaa bishii Maarso ee sannadkan sheegtay in dalka Pakistan ay u direyso khubaro, si loo wajaho walaaca dowladda Pakistan ee la xiriira waxyaabaha ka dhanka ah diinta Islaamka ee lagu daabaco baraha bulshada.

Balse shirakdu waxay intaasi ku dartay in ay ilaalineyso xuquuqda iyo waxyaabaha u gaarka ah macaamiisheeda.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM