Nin diyaarad uu xaday ay la burburtay

Image

WASHINGTON — Nin u shaqeynayay shirkad diyaaradeed oo laga leeyahay magaalada Seattle ee dalkan Mareykanka ayaa xalay xaday mid ka mid ah diyaaradihi yaallay garoonka, kahor inta aysan diyaaradda kusoo dhicin jaziiradda Ketron ee gobolka Washington.

Taliyaha ciidanka booliska magaalada Pierce ayaa sheegay in nin 29 jir ah oo u shaqeynayay shirkadda diyaaradaha Horizon Air uu garoonka caalamiga ah ee Seattle-Tacoma ka qaatay diyaarad laba matoorreey ah nooceeduna ahaa Q400.

Boolisku waxay ninka falkani ku kacay ku tilmaameen inuu ahaa nin isdilayay.

Cajalad laga duubay qeybta laga xakameeyo diyaaradaha ee garoonka Seattle-Tacoma ayaa laga maqlay, Shaqaalaha haga diyaaradaha oo isku dayaya in ay ku qanciyaan nin ay ugu yeereen "Rich" inuu soo dajiyo diyaaradda.

Ninka ayaa ku jawaabay "...Waxaan ahay sabool, waxaana u maleynayaa in ay maskaxdu I dabacday."

Madaxa shaqaalaha shirkadda Horizon Air, Constance von Muehlen ayaa sheegtay in dhamaan shaqaalaha shirkadaha Alaska Air iyo Horizon Air ay ka xunyihiin geerida shakhsiga diyaaradda waday ee ay kadibna la burburtay.

Shirkadda Horizon wali ma aysan soo bandhigin magaca ninka diyaaradda soo dhacday.

Boolisku waxay sheegeen in diyaaradda marki ay hawada gashay ay ceyrsadeen laba diyaaradood oo ah kuwa dagaalka noocooduna ahaa F-15. Burburka diyaarada ayaa la sheegay in aysan ka danbeyn diyaaradahaasi milatari.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM