​Nin halis galiyay cunugiisa si uu u helo “Like”

Image

Maxkamad fadhigeedu yahay magaalada Algeirs ee caasumadda dalka Algeria ayaa xabsiga dhigtay nin halis galiyay cunigiisa si uu helo “Like” isagoo kasoo laad-laadiyay dabaq dheer.

Aabaha ayaa dadka la wadaagay sawir uu ka muuqado isaga oo canuggiisa isaga oo ku soo qoray "1,000" likes saara ama waan sii dayn.

Booliiska ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen Sabtidii ninkan oo aan magaciisa la shaacin.

Maxkamadda ayaa ku riday Labo sano oo xabsi ah isagoo lagu helay dabi ah inuu ku khamaaray nolosha ilmo yar oo aan waxba galabsan.

Ninkan ayaa kasoo muuqday baraha bulshada isagoo lagu dhaleecaynayo inuu halis galiyay cunug yar oo aan waxba galabsan iyadoo ay ka tahay ciyaar iyo helo taageero badan.

Barta internetka ee warbaahinta Al Arabiya ayaa sheegtay in ninkaas oo aysan magacaabin uu cannuga ka soo laadlaadiyay dabaqa 15 ee dhismo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Algiers

Dadka qaybtood ayaa baraha bulshada u isticmaalay waxyaabo aan haboonayn iyagoo raadinay inay helaan taageero ama shacbiyad, balse dhacdadan ayaa imaanaysa xilli kiisan badan ay ka dhacaan dadka isticmaala aaladda Facebook.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM