​Nin Somalia ah oo weerar ka fuliyay Ohio

Image

Nin Somali Maraykan ah ayaa  weerar ka gaystay Jaamacad ku taalla gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

Cabdirasaaq Cali Cartan oo da'diisa lagu sheegay 20 sano jir, ayaa sidoo kale ardey ahaa.

Weerarkaas oo baaritaan lagu hayo, waxa ku dhaawacmay Sideed qof ka dib markii gaari uu jiirsiiyay ninkaas dad ku sugnaa jaamacadda gudaheeda.

Weerarka Gaariga kadib Cabdirasaaq ayaa billaabay inuu mindi ku weeraro dadkii kale goobta ku sugnaa.

Ciidamada Booliiska ayaa goobta markii dambe tagay iyagoo toogasho ku dilay ninka weerarka fuliyay.

Booliska waxay sheegeen in arrintaasi ay baarayaan si ay u ogaadaan inuu ahaa mid argagixiso ama weerar kale. 

Ciidamo badan ayaa gaaray xarunta jaamacadda Ohio markii uu weerarka bilowday

Maamulka jaamacadda ayaa sheegay in hadda xaaladdu ay deggan tahay.

Waxaa kaloo ay xaqiijiyeen in howlgalikii ciidamada uu dhammaaday.

Dadka dhaawacmay waxaa la sheegayaa in xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay, cisbitaalka ay ku jiraan.

Somalida dalkaas ayaaa cambaaraysay falkan oo ay ku tilmaameen mid fulaynimo ah oo aan ka turjumay aragtidooda.

Weerarkan ayaa yimid madaxweynaha la doortay uu aad u dhaliilay Somalida dalkaas.

Lama oga saamaynta falkan ku yeelan karo iyadoo horay dambiyo caynkan ah galay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM