​Nin Somalia ah oo weerar ka fuliyay Ohio

Image

Nin Somali Maraykan ah ayaa  weerar ka gaystay Jaamacad ku taalla gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

Cabdirasaaq Cali Cartan oo da'diisa lagu sheegay 20 sano jir, ayaa sidoo kale ardey ahaa.

Weerarkaas oo baaritaan lagu hayo, waxa ku dhaawacmay Sideed qof ka dib markii gaari uu jiirsiiyay ninkaas dad ku sugnaa jaamacadda gudaheeda.

Weerarka Gaariga kadib Cabdirasaaq ayaa billaabay inuu mindi ku weeraro dadkii kale goobta ku sugnaa.

Ciidamada Booliiska ayaa goobta markii dambe tagay iyagoo toogasho ku dilay ninka weerarka fuliyay.

Booliska waxay sheegeen in arrintaasi ay baarayaan si ay u ogaadaan inuu ahaa mid argagixiso ama weerar kale. 

Ciidamo badan ayaa gaaray xarunta jaamacadda Ohio markii uu weerarka bilowday

Maamulka jaamacadda ayaa sheegay in hadda xaaladdu ay deggan tahay.

Waxaa kaloo ay xaqiijiyeen in howlgalikii ciidamada uu dhammaaday.

Dadka dhaawacmay waxaa la sheegayaa in xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay, cisbitaalka ay ku jiraan.

Somalida dalkaas ayaaa cambaaraysay falkan oo ay ku tilmaameen mid fulaynimo ah oo aan ka turjumay aragtidooda.

Weerarkan ayaa yimid madaxweynaha la doortay uu aad u dhaliilay Somalida dalkaas.

Lama oga saamaynta falkan ku yeelan karo iyadoo horay dambiyo caynkan ah galay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM