Nin xabsi ugu jiray 18 sano dambi uusan gelin oo lasii daayey

Image

Ninkan ayaa lasii daayey kadib markii uu 18-sano uu xabsi ugu qaatay dabi uusan isaga geysan. Tomasz Komenda, oo ah 42-sano jir, ayaa waxaa si qaldan loogu xukumay dhac iyo dilka gabar 15-sano jir ahayd oo ku nool Woqoy Galbeed ee dalka Poland sanadkii 1997-dii.

Kadib markii dib u eegis la sameeyay, ayaa maxkamada sare ee Poland waxay sheegtay in Mr Komenda uusan gelin wax dambi ah, islamarkaana uusan isaga masuul ka ahayn dilkaas.

Wasiirka Cadaala, Zbigniew Ziobro, kaasoo shaqsi ahaan amray in dib eegis lagu sameeyay Kiiskaan ayaa wuxuu sheegay in caddeymaha la helay ay muujiayaan in wax qalad ah uusan sameyn wiilkaan, islamarkaana nidaamka qalaacada ay tahay in dib loo saxo.

Wuxuu yiri: “Qofna dib uma soo celin karto sanada ka khasaaray Tomasz Komenda. Hase yeeshee, sinnaantu waxay dib u soo celisaa dareenka sharafta, nin aan waxba galabsan oo si qaldan loogu xukumay dembi.

Qoyskiisa ayaa waxay sheegeen in marnaba aysan shaki uga jirin in wiilkooda uu maalin un cadaalada heli doono, iyagoona ka dalbaday xeer-beegtadda baaritaan kale lagu sameeyo xukunka, si cida xukunka qalan riday loosoo ogaado.

Komenda oo kadib hadlay markii laga soo daayey Xabsiga ayaa wuxuu sheegay inuu ku farax-san yahay, islamarkaana mudadii uu xabsiga ku jira uu nafsadiisa wayn diinaayey halka ay si wax yihiin, islamarkaana nolasha oo dhan cadaab la noqotay.

Qareenkiisa oo lagu maagcaab Zbigniew Cwiakalsk, ayaa wuxuu sheegay inay xaqiisa usoo dhicin doonan, islamarkaana wuxuu ka dalbaday xeer-illaalinta aduun lacageed dhan 2 Milyan oo yuuroo, taasoo loogu magayo sanadihii la khasaaray.

Kiiskaan ayaa wuxuu aad uga yaabiyay dadka ku nool dalkaan, kuwaasoo aad walaac uga muujiyey nidaamka calaada ee dalkaan, taasoo keentay in Xisiga Garabka Midig ee talada haya inuu la kulmo dhalaeceymo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM