​Obama iyo Trump oo ku kulmay Aqalka Cad

Image

WASHINTONG, USA- Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee kursiga ka sii dagaya Brack Obama ayaa Aqalka cad ee dalka Maraykanka looga taliyo kula kulmay ninka ku guulaystay doorashada Taladadii hore ka dhacday dalkaas ee Donald Trump.

Labada mas'uul ee dhawaan xilka la kala wareegi doona, ayaa qaatay shir socday 90 daqiiqo, waxayna kawada hadleen arrimo kala duwan inkastoo saxaafaddu dibadda ka joogtay.

Markii kulankaas soo dhammaaday, waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Obama iyo Trump iyagoo xusay inay isku afgartii qodobadii ay kawada hadleen.

Madaxweynaha xilka kasii dagaya oo hor hadlay, ayaa xusay inuu rajaynayo Donald oo guulaysta taasoo ku macneeyay inay ka dhigantahay Maraykanka oo guulaystay, isagoo xusay inuu howl adag hortaallo.

Wuxuu intaas ku daray in kulankoodu ahaa mid xiiso gooni ah wata oo ay jeclaayeen inuu intaas kasii dheeraado.

Dhinaca Kale, Hogaamiyaha la doortay ee kasocda Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ayaa xusay in shirkan ahaa kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan, wuxuuna Madaxweynaha xilka ka dagaya ku tilmaamay mid wanaagsan.

Donald, ayaa hadalkiisa ku daray inuu ka filayo Obama talooyin wanaagsan oo dhaxal gal u noqon doona. Wuxuu xusay inay kawada hadleen arrimo adag iyo kuwo iska caadi ah.

Labada nin ayaa diiday inay ka jawaabaan su'aalo wariyaashu weydiiyay shirkooda jara'id kadib, lamana oga sababta ay uga gaabsadeen.

Booqashada Trump ee Aqalka cad, waxaa ku wehelisay afadiisa Melania Trump, oo ay soo dhoweysay Michelle Obama.

Guushii ninkan kadib ayaa Obama u fidiyay casuumad ah inay isku arkaan Aqalka cad kahor intuusan xilka wareejin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM