Oday 93 jir ah oo sheegay in William Ruto uu ka qaatey Dharkiisa

Image

NAIROBI, Kenya - Oday 93-sano jir ah, oo lagu magacaabo Kimitei Kiplagat, islamarkaana degan Tuuladda Kapkoi oo hoos-timaada is-maamul goboleedka Eldama Ravine Baringo wuxuu fariin culus uu u diray Madaxweyne ku xigeenka Kenya.

Wuxuu sheegayaa Odaygaan in William Ruto uu ka qaatay Dhar-dhaqameedkiisa oo ka sameynsan haraga/maqaarka madow ee Daanyeerka xili uu soo booqday deegaankaas isbuucii lasoo dhaafay, islamarkaana uu kusoo ritay Baabuurkiisa, xili ay ku kulmeen Xaflad ka dhacay halkaas.

Kiplagat oo la hadlay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in mid kamid ah caruurtiisa uu u sheegay in Madaxweyne ku xigeenka uu qaatay dharkiisa, islamarkaana uu maqlayay iyadoo la oranayo: “Dharka kusoo rid baabuurka.”

Wuxuu cod dheer uga codsaday, uuna ku cel-celiyay inuu u baahan yahay dharkiisa, sidaas darteeda uu Ruto ka doonayo inuu dib ugu soo celiyo dhar dhaqameedkiisa uu ka qaatay isaga, xili uu yimid deegaanka uu kasoo jeedo.

“Waqti walba waxaan codsanayaa in dharkeyga leys oo celiyo. Warbixin ayaan ka gudbin doonaa. Waan u baahanahay, maxaa yeelay waxaan rabaa inaan is-ticlaamo. Madaxweyne ku xigeenka dib ha iigu soo celiyo dharkeyga,” ayuu yiri odaygan.

“Dharkeyga ma ahan kuwa iib ah. Waxaan ugu talagay in Jiilba jiilka ka dambeeya inuu is-ticmaalo sidaas darteeda waa in dharkeyga ley soo celiyo,” ayuu codsigiisa kusoo gaba gabeeyay, Odeygaan 93-sano jirka ah.

Wali ma jirto wax hadal ah oo ku saabsan arrinkaan oo kasoo yeeray Madaxtooyadda Kenya ama Afhayeenka gaarka ah ee Madaxweyne ku xigeenka Kenya, iyadoo warkaan uu saameyn xoogan ka dhex-abuuray Shacabka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM