​Pakistan: 60 ruux oo lagu dilay magaalada Quetta

Image
Image
Image

QUETTA, Pakistan- Koox hubaysan oo aan ilaa hadda haybtooda la aqoonsan ayaa weerar khasaaro badan dhaliyay ka gaysatay magaalada Quetta ee dalka Pakistaan.

Weerarka oo lagu qaaday saldhig lagu tababaro ciidamo Booliis ah, ayaa waxaa ku geeriyooday 60 qof oo kamid ahaa ciidamadii la carbinayay iyo dhowr ilaalo ah.

Waxaa falkaas sidoo kale lagu dhaawacay in kabadan 100 ruux.

Mallayshiyada weerartay magaalada ugu weyn gobolka Baluchistan ee Koonfurta dalka Pakistan, ayaa sidoo kale qafaalatay qaar kamid ah ciidamadii dibowga ku jiray.

Ilaa haatan ma jirta cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha ammaanka dalkaasi ayaa BBC-da u sheegay in uu rumeysan yahay in ragga weerarka soo qaaday laga soo hagayay gudaha dalka Afqaanistaan.

Howlgalkaas, ayaa qaatay dhowr saacadood, waxaana markii dambe Booliisku sheegeen inay tallaabadaas lagu guulaystay.

Kooxo katirsan mintidiinta Islaamiga ah iyo ururro fallaago ah ay kal hore halkaasi ka gaysteen weerarro noocan oo kale ah.

Labo bilood ka hor, 70 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay cusbital ku yaalla magaaladaasi Quetta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM