​Philippine oo dhaawacday Sarkaal 5 Milyan lagu raadinayay

Image

Dowladda Philippine ayaa sheegtay in weerar cirka ah ay ku dhaawacday hogaamiye sare oo katirsana Daacish, kaasi oo Mareykanka madaxiisa dul-dhigay lacag dhan 5 million oo Doolar.

Isnilon Hapilon oo 50 jir ah, ayaa ku dhaawacmay duqeyn ciidamada Cirka dalkaas ay ka fuliyeen degmada Butig, oo 80KM dhanka koonfureed uga beegan magaalada caasimada ah ee Manila.

Dowladda Philippine ayaa sheegtay Isnilon Hapilon, uu kasoo gaarey weerarka dhaawac culus, islamarkaana ay ciidamada dhulka dalkaasi ay ku raadjoogaan, si ay gacanta ugu soo dhigaan.

Isnilon Hapilon, ayaa dowladda Mareykanka waxay ku dartay liiska Argagaxisada, waxaana la dul-dhigay lacag tiro badan kadib markii uu 2001 afduub ugu geestay galbeedka dalkaasi 3 Dalxiisiyaal American ah.

Hapilon, wuxuu kamid yahay hogaamiyaasha ugu sareeya Ururka Abu Sayyaf,  oo dhawaan ku biiray Daacish, kadib markii uu kasoo baxay Al Qaeda oo mudo sanado ah kamid ahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM