Qaramada Midoobay oo meelmarisay ciidan la geeyo South Sudan

Image

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meelmariyay in la geeyo dalka South Sudan ciidamo nabad ilaalineed oo dheeraad ah oo ka socda waddamada gobolka oo gaaraya ilaa 4000 oo askari.

Bishii la soo dhaafay ayaa maalmo lagu dagaalamay gudaha magaalada caasimadda u ah South Sudan ayaa waxaa ka dhashay dil baahsan, tacaddiyo galmo iyo dhibaatada xaaladda bini'aadamnimo oo sii darsatay. 

Waxaa xooga la saaray intii uu socday shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramda Midoobay mas'uuliyadda aasaasiga ah ee ilaalinta dadka rayidka ah inay la taalo dowladda.

Balse milateriga dalkaasi South Sudan ayaa lagu eedeyay inay ka qeybqaateen dilalkii iyo tacadiyadii loo geeystay dad rayid ah intii dagaalada ay socdeen.

Qarmada Midoobay ayaa ciidan dheerad ah dalkaasi u dirayso iyadoo xaaladana ay kacsantahay. Ciidammadan dheeradka ah oo gaaraya ilaa 4000 ayaa qeyb libaax leh ka qaadan doona sugidda amniga caasimadda Juba, si ay u ilaaliyan gegida diyaaradaha iyo xaruumo kale oo muhiim ah. 

Waxeyna amar ku heysataan inay tallaabo ka qaadan koox walbo oo weerar ku qaado xarumaha Qaramada Midoobay, ha'yadaha gargraaka iyo dadka rayidka ah. 

Hasayeeshee South Sudan ayaa waxa ay iska diiday qaraarka Qaramada Midoobay iyadoo qaadashada go'aankaasna ku tilmaantay mid nasiib darra ah. 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku goodiyay suuragalnimada cunaqabatayn dhinaca hubka ah waa haddii South Sudan aanay muujinin wado shaqeyn.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM