Qarax ka dhacay Bangi ku yaalla Kabul

Image

KABUL, Afghanistan - Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay, 9 kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah, oo saaka ka dhacay bartamaha magaalada Kabul, ee xarunta dalka Afghanistan.

Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo bartilmaameedsadey Bangiga Kabul, xilli dad badan safaf ugu jiraan inay lacago mushaaraad ah ka qaataan.

Taliban ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxa magaalada Kabul.

Goobta uu qaraxan ka dhacay waxaa ku dhaw Saafarrado badan, oo mida Mareykanka ay kamid tahay, balse lama sheegin khasaaraha soo gaarey Diblimaasiyiinta halkaasi ku sugan.

Tirada dhimashada ayaa laga cabsi qabaa inay ka badato 5 qof, maadaama ay jiraan dad badan, oo soo gaarey dhawacyo culus, kuwaasi oo ka dhigay Isbitaaladda, sida ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka.

QM ayaa sheegtay in Qaraxan uu qeyb ka yahay silsilada weeraro ah oo ka dhacaya magaalada Kabul, kuwaasi oo ay ku dhinteen 209 qof, halka 777 ruux kale ay ku dhaawacmeen tan iyo billowga sanadkan.

Dowladda Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa dhawaan qaadey howlgal ka dhan ah Kooxaha Minditiinta ay Taliban kamid yihiin, si ay uga hortagto weerarada joogtada ah ee ka dhacaya wadankaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM