​Qarax ka dhacay dalka Iraq

Image

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay Koonfur Galbeed magaalada Baghdad, ee xarunta dalka Iraq.

Weerarka ayaa ka dhacay Ain al-Tamer, halkaasi oo weerar ku qaadeen rag katirsan Ururka Daacish, kuwaasi oo bartilmaameedsaday saldhig ciidan.

Wasaarada Arrimaha Gudaha dowladda Iraq ayaa sheegtay in ciidamada amaanka ay dileen lix Dagaalyahan oo katirsan Daacish inta uusan dhicin qaraxa.

Dowlada Iraq waxay sheegtay in goobta uu weerarka ka dhacay amnigeeda aad loo adkeeyay, islamarkaana kahortageen weeraro dhowr ah oo Daacish qorsheynaysay.

Ain al-Tamer, waxay 50km u jirtaa magaalada Karbala, oo ay ku badan yihiin Dadka Shiicada ah, waxaana magaaladaasi saldhigyo ku leh Kooxda Daacish.

Weerarka ayaa dhacay xili Ciidamada dowladda Iraq iyo Malleeshiyaad Shiico ah ee dagaalka kula jiraan mudo ku dhaw hal bil duleedka magaalada Mosul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM