​Qarax ka dhacay dalka Iraq

Image

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay Koonfur Galbeed magaalada Baghdad, ee xarunta dalka Iraq.

Weerarka ayaa ka dhacay Ain al-Tamer, halkaasi oo weerar ku qaadeen rag katirsan Ururka Daacish, kuwaasi oo bartilmaameedsaday saldhig ciidan.

Wasaarada Arrimaha Gudaha dowladda Iraq ayaa sheegtay in ciidamada amaanka ay dileen lix Dagaalyahan oo katirsan Daacish inta uusan dhicin qaraxa.

Dowlada Iraq waxay sheegtay in goobta uu weerarka ka dhacay amnigeeda aad loo adkeeyay, islamarkaana kahortageen weeraro dhowr ah oo Daacish qorsheynaysay.

Ain al-Tamer, waxay 50km u jirtaa magaalada Karbala, oo ay ku badan yihiin Dadka Shiicada ah, waxaana magaaladaasi saldhigyo ku leh Kooxda Daacish.

Weerarka ayaa dhacay xili Ciidamada dowladda Iraq iyo Malleeshiyaad Shiico ah ee dagaalka kula jiraan mudo ku dhaw hal bil duleedka magaalada Mosul.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM