​Qarax ka dhacay nawaaxiga Qunsuliyadda USA ee dalka Sacuudiga

Image

War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in qof isa-soo miidaamiyay uu isku qarxiyay afaafka hore xarun ay dagantahay Qunsuliyadda Maraykanka u joogta waddankaasi.

Qaraxan ayaa gaysan khasaaro xooggan, waxaana ku dhintay oo kaliya qofkii is-qarxiyay, halka dhaawacyo fudud soo gaareen labo kamid ah ilaalada xaruntaasi.

Safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in wax dhib ah uusan soo gaarin shaqaalaha qunsuliyadda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada ay ninkaas aad uga shakiyeen, markii ay kusoo dhaqaaqeenna uu is-qarxiyey.

Arrintan ayaa keentay in mar kale Maraykanku digniin u diro muwaadiniintiisa doonaysan inay u safraan dalkaasi, wuxuuna ugu baaqay inay ka baaqsadaan wixii socdaal ah ee aan muhiim ahayn.

2004-tii ayay ahayd markii Qunsuliyaddan weerar ku qaadan mintidiin xiriir la lahaa Al-Qaacidda, waxaana iska hor imaad dhexmaray ciidamada ilaada ka ahaa iyo iyaga ku dhintay shan ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM