Qarax lala beegsaday tareen mara London

Image

Booliska ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacayQarax ayaa lala beegsaday tareen ka mid ah kuwa London ee dhulka hoostiisa mara, waxaana lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah rakaabka tareenkaasi ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa dhacay 08:20 xilliga London, waxaana booliska iyo howlwadeennada caafimaadka ay gaareen goobta uu ka dhacay oo ah boosteejada Parsons Green ee Fulham. Sawirro laga soo qaaday tareenka ayaa muujinaya in xajmiga qaraxa uu koobnaa, oo aanu geysan burbur muuqda.  

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dhowr qof oo dhaawacya qaba. Booliska la dagaallanka argagixisada ayaa sheegay inay qaraxa ula tacaalayaan inuu yahay "fal argagixiso." Askar hubaysan ayaa la geeyay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Xigasho: BBC 

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM