​Qaraxyo 24 qof ku dilay dalka Afghanistan

Image
Image
Image
Image

Dhawr qarax oo kala duwan ayaa maanta ka dhacay dalka Afghanistan gaar ahaan magaalada Caasumadda ah ee Kabul, waxaana weerarka ugu khasaaraha badnaa lala eegtay gaari Rakaab ah, halkaasi oo uu isku qarxiyay ruux ismiidaamiyey.

Wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dhinteen 14 qof, islamarkaana uu dhaawacay 8 kale.

Dadka lagu dilay weerarka ayaa ahaa ciidamo ammaan oo kasoo jeeda dalka Nepal oo u shaqeynayey hay’adda dhinaca ammaanka ah oo ka shaqeysa magaalada caasimadda ah. Shan askari oo kale oo u dhashay dalka Nepal ayaa ka mid ahaa dadka dhaawacay.

 Kooxda Daalibaan ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Saacad kadib miino dhulka lagu aasay ayaa ku qaraxday mas'uul gobol iyo labo kamid ah ilaaladiisa.

Dhinaca kale, weerar dhacay ka dhacay gobolka Badakhshan , ayaa waxaa ku geeriyooday 10 qof, 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii miino la aasay ku qaraxday suuq dadku ay ku badan yihiin.

Weerarada ayaa la sheegay inay ka dhasheen dhimashada 24 ruux iyo dhawaca qiyaastii 40 kale, waxayna kusoo beegmeen xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM