Qaraxyo ka dhacay Kabul oo lagu dilay ku dhawaad 10 Wariye

Image
Image

KABUL - Qaraxyo mataano ah oo ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan ayaa maanta dilay ugu yaraan 26 qof, oo ay ku jiraan suxufiyiin badan. Ugu yaraan 50 qof oo kale, oo ay ku jiraan shan suxufi, ayaa lagu dhaawacay qaraxyada.

Kooxda Daacish ayaa wakaaladdeeda wararka ee Amaq ku sheegtaya mas’uuliyadda weerarka oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa oo lagu qaado shaqaalaha warbaahinta dalka Afghanistan.

Guddiga badbadada suxufiyiinta Afghanistan ee AJSC ayaa cambaareeyey weerarka.

Laba suxufi, oo ay ku jirto Mahrram Durran oo ka tirsaneyd Radio Free Europe, ayaa sidoo kale ka mid ah dadka dhintay. Wakaaldda wararka AFP ayaa sidoo kale xaqiijisay inuu dhintay sawir qaadeheedii ugu weynaa ee Kabul, Shah Marai. Sidoo kale laba shaqaale kale oo ka tirsanaa RFE ayaa la dilay.

Taleefishinka Afghanistan ee 1 TV News ayaa sidoo kale xaqiijiyey in weerarkii maanta lagu dilay laba ka mid ah shaqaalahooda.

Mas’uuliyiinta Afghanistan ayaa sheegay in weerarka uu dhacay markii qof ismiidaamiyey oo wata mooto uu isku qarxiyey meel u dhow xafiiska hay’adda sirdoonka dalkaas.

Markii warbahainta ay kusoo xoomeen goobta ayaa qof kale oo ismiidaamiyey uu is qarxiyey.

Wariye-yaasha lagu dilay qaraxyada:

1- Mahram Durani – Azadi Radio
2.    Ebadullah Hananzai – Azadi Radio
3.    Yar Mohammad Tokhi – TOLOnews Cameraman
4.    Ghazi Rasooli – 1TV Journalist
5.    Nowroz Ali Rajabi– 1TV Cameraman
6.    Shah Marai – AFP Photographer
7.    Saleem Talash – Mashal TV
8.    Ali Saleemi – Mashal TV
9.    Sabawoon Kakar – Azadi Radio

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM