Qaraxyo ka dhacay Kabul oo lagu dilay ku dhawaad 10 Wariye

Image
Image

KABUL - Qaraxyo mataano ah oo ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan ayaa maanta dilay ugu yaraan 26 qof, oo ay ku jiraan suxufiyiin badan. Ugu yaraan 50 qof oo kale, oo ay ku jiraan shan suxufi, ayaa lagu dhaawacay qaraxyada.

Kooxda Daacish ayaa wakaaladdeeda wararka ee Amaq ku sheegtaya mas’uuliyadda weerarka oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa oo lagu qaado shaqaalaha warbaahinta dalka Afghanistan.

Guddiga badbadada suxufiyiinta Afghanistan ee AJSC ayaa cambaareeyey weerarka.

Laba suxufi, oo ay ku jirto Mahrram Durran oo ka tirsaneyd Radio Free Europe, ayaa sidoo kale ka mid ah dadka dhintay. Wakaaldda wararka AFP ayaa sidoo kale xaqiijisay inuu dhintay sawir qaadeheedii ugu weynaa ee Kabul, Shah Marai. Sidoo kale laba shaqaale kale oo ka tirsanaa RFE ayaa la dilay.

Taleefishinka Afghanistan ee 1 TV News ayaa sidoo kale xaqiijiyey in weerarkii maanta lagu dilay laba ka mid ah shaqaalahooda.

Mas’uuliyiinta Afghanistan ayaa sheegay in weerarka uu dhacay markii qof ismiidaamiyey oo wata mooto uu isku qarxiyey meel u dhow xafiiska hay’adda sirdoonka dalkaas.

Markii warbahainta ay kusoo xoomeen goobta ayaa qof kale oo ismiidaamiyey uu is qarxiyey.

Wariye-yaasha lagu dilay qaraxyada:

1- Mahram Durani – Azadi Radio
2.    Ebadullah Hananzai – Azadi Radio
3.    Yar Mohammad Tokhi – TOLOnews Cameraman
4.    Ghazi Rasooli – 1TV Journalist
5.    Nowroz Ali Rajabi– 1TV Cameraman
6.    Shah Marai – AFP Photographer
7.    Saleem Talash – Mashal TV
8.    Ali Saleemi – Mashal TV
9.    Sabawoon Kakar – Azadi Radio

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM