​Qaraxyo ka dhacay Waqooyiga dalka Iraq

Image

BAGHDAD, Iraq - Saddex ruux ayaa ku geeriyootay, 34 kalena way ku dhaawacmeen labo qarax oo ismiidaamin ah, oo ka dhacay waqooyiga dalka Iraq.

Booliska ayaa sheegay in labo qof oo isku soo xiray walxaha qarxa ay weerareen Makhaayad mashquul badan, oo ku taalla magaalada Hajaj, taasi oo ay ku sugnaayeen Askar iyo Saraakiil ciidan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Iraq, Saad Maan ayaa xaqiijiyay in weerarka lala beegsaday askar katirsan malleeshiyaadka dagaalka kula jira Daacish, oo goobta ku sugnaa.

"Labo qof oo xirnaa suuman walxaha qarxa ka sameysan, ayaa gudaha u galay Makhaayadda, kadibna isku qarxiyay dadkii halkaasi ka cunteynayay, oo Askar ay u badnaayeen," ayuu yiri Saad.

Saad Maan ayaa tilmaamay in Ciidamada amaanka ay toogasho ku dileen qofka saddexaad, kahor inta uusan gudaha usoo galin goobta, iyadoo labadii kale ay u suurta gashay inay is qarxiyaan.

Sarkaal katirsan Booliska Iraq ayaa sheegay in Makhaayad ay ahayd mid ay si joogto ah wax uga cunaan Askar karirsan Malleeshiyaadka Kooxda Hashed al-Shaabi, oo lagu soo tababaray Iran.

Malleeshiyaadkan Hashed al-Shaabi, oo Shiico ah, ayaa kaalin mug leh ka qaatey howlgalladii ugu dambeeyay ee Daacish looga saarey magaalaooyinka Falluuja, Ramadi, Mosul iyo Talac-far.

Weerarkan wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadiisa, balse waxa uu kusoo beegmayaa 5 maalmood kadib markii weerar toos ah iyoo qarax lagu weeraray Makhaayad kale oo ku taalla magaalada Nasiriyah oo katirsan gobolka Salaheddin.

Weerarada Iraq ayaa inta badan waxaa sheegata Kooxda Daacish, oo hadda laga saarey inta badan magaalooyinkii ay ku xoog-badnayd, oo Mosul ay ugu dambaysay, waxaana ay kusoo hareen Tuulooyin yar oo Waqooyiga dalkaasi ku yaalla.

Mosul waxay ahayd magaaladii uu kasoo muuqday Abu Bakar Al Baghdadi 2014-kii, xilligaasi oo halkaasi uga dhawaaqay dowladda Khilaafada Islaamka (Daacish, ISIL ama ISIS).

Magaaladan oo qiyaastii 150Km dhanka waqooyi uga beegan Baghdad, waxay gashay gacanta dowladda Iraq bishii July, kadib howlgal qaatey 9 bilood, kaasi oo afjaray, kadib markii laga adkaadey Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:35PM

Al-Sisi oo ka digay “isku dayo ula kac ah” oo Israel ku beddelayso khariidadda Bariga Dhexe

Waxa uu sidoo kale si cad u muujiyay diidmada adag ee Masar ee ku aaddan isku day kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:07PM