Qofkii ugu da'da weynaa dunida oo geeriyootay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

TOKYO - Nabi Tajima, oo ahayd qofka ugu da'da weyn caalamka ayaa ku geeriyootay koonfurta wadanka Japan iyadoo 117 sano jir ah, sida ay xaqiijisay warbaahinta dalkaasi.

Buuga lagu diwaan galiyo dhacdooyinka caalamka "Guinness World Records" ayaa 2017 u aqoonsaday Nabi Tajima oo u dhalatay Japanu inay tahay qofkii ugu da’da weyn dhamaan dadka ku nool dunida.

Nabi Tajima, waxay dhalatay August 4, 1900, waxayna ku dhimatay shalay [21-ka April, 2018] Isbitaal ku yaalla Jaziiradda ay ku dhalatay ee gobolka Kagoshima, oo dhaca Koonfurta dalka Japan.

Haweenaydan ayaa 2015 noqotay qofka ugu da'da weyn dalka Japan, kahor inta aan uusan geeriyoon Violet Brown oo ahayd qofkii ugu da'da weynaa, oo kasoo jeeda Jamaica 2017 iyadoo 117 jir ah.

Japan ayaa ku caan baxay inay ku nool yihiin dadka caalamka ugu da'da weyn, iyadoo dowladda ay sheegtay in ku dhawaad 68,000 oo qof oo da'doodu ay ka weyn tahay 100 sano ay hadda ku nool yihiin wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM