Rabshado hareeyey doorashada Kenya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Doorashada ku celiska ah ee maanta ka dhaceysa dalka Kenya, ayaa waxaa hareeyey isku dhacyo u dhaxeeya booliska iyo dibad-baxayaal, iyo goobaha codbixinta oo aan la furan deegaanada mucaaradka ku xooggan yihiin.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ku sugnaa deegaanka Kibera ee caasimadda Nairobi, xilli ay isku dayayeen inay dhagxaan ku gooyaan goobaha codbixinta.

Rabshadaha ayaa sidoo kale ka dillaacay magaalada Kisumu, halkaasi oo tobaneeyo goobaha codbixinta ah ay xirnaayeen, islamarkaana saraakiisha doorashada la la’yahay meel ay jiraan.

Doorashada ku celiska ah ayaa timid laba bilood kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay in dib loo doorto, hase yeeshee doorashadiisa ayaa waxaa meesha ka saartay maxkamadda sare oo ku tilmaamtay sharci darro.

Si kastaba doorashada ku celiska ah ee maanta ayaa iyana qas madaxa la gashay. Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa qaadacay laba toddobaad ka hor, isaga oo ku eedeeyey guddiga doorashada ee IEBC inaysan wax horumar ah ka sameyn doorashada, wuxuuna ugu baaqay taageerayaashiisa inay qaadacaan.

Bayaan uu soo saaray maalin ka hor doorashada, ayuu Odinga ku ballan qaaday in isbaheysiga uu hoggaamiyo ee NASA uu isku rodgi dono “Dhaqdhaqaaq wax iska cabin ah” oo kasoo horjeeda doorashada.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM