​Rabshado ka qarxay magaalada Charlotte

Image

Hal qof ayaa goor dambe oo arbacadii ahayd lagu toogtay magaalada Charlotte ee gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka, ayada oo dad badan ay ka dibad baxayaan dilka nin African-American ahaa oo booliiska ay toogteen.

Ninka la toogtay oo maamulka magaalada ay mar sheegeen inuu geeriyooday, ayaa goor dambe lasoo weriyey inuu weli nool yahay balse ku sugan yahay xaalad liidata.

Booliisku waxey sheegeen in ninkaas uu toogtay qof kale oo rayid ah oo aysan ayaga ku lug lahayn.

Guddoomiyaha gobolka North Carolina ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay magaalada Charlotte, waxaana magaalada la geeyey ciidamada ilaalada qaranka.

Saacadihii hore ee xalay ayaa waxaa magaalada ka socday banaanbaxyo nabadeed, hase yeeshee waxay kadib isku rogeen rabshado ayada oo ay isku dhaceen dibadbaxayaasha iyo booliska.

Saraakiisha ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayaasha.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa jebiyey daaqadaha goobo ganacsi, halka ay sidoo kale dab ku shideen waddooyinka.

Habeenkii talaadada ayaa sidoo kale banaanbaxyo dhacay waxaa lagu dhaawacay 24 qof oo ay ku jiraan 12 sarkaal oo booliis ah.

VOA

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM