Ra'iisalwasaaraha Netherlands oo ammaanay "in la diiday dadkii soo galootiga diidanaa"

Image

Ra'iisalwasaaraha dalka Netherlands Mark Rutte ayaa sheegay in dalkiisu uu diiday dadka shacbiyadda khaladka ah raadinaya isaga oo u dabaaldagaya guushii baarlamaanka ee uu xisbigiisu ka gaaray doorashada.

Iyada oo la tiriyay codadka intooda badana xisbiga VVD ayaa si sahlan ugu guulaystay xisbiga ka soo horjeeda soo galootiga iyo Midawga Yurub ee Freedom Party ee uu hogaamiyo Geert Wilders. 

Doorashadan waxaa loo arkayay in ay tijaabo u tahay taageerada ay haystaan xisbiyadda qiirada wadaninimo ay hayso ee ku soo badanaya dalalka Yurub oo dhan. 

Wilders ayaa ku adkaystay in "guga wadaniyaddu" uu wali sii di'i doono. Iyadoo la tiriyay 90% cododkii la dhiibtay xisbiga VVD ayaa ku guulaystay 33 ka mid ah 150kii kursi ee loo tartamayay, siddeed xubnood ayayna lumiyeen marka loo eego doorashadii hore. Xisbiga Freedom Party ee Wilders ayaa kaalinta labaad galay waxayna ku guulaysteen 20 kursi waxayna heleen shan kursi oo dheeri ah, xisbiyada CDA iyo D66 ayaa ku soo dhaw oo iyaguna helay 19 kursi. 

BBC

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM