Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo Golle Wasiiro magacaabay

Image

ADDIS ABABA - Ra'iisul Wasaaraha dhawaan la doortey ee wadanka Itoobiya Abiy Axmed ayaa magacaabay Gollahiisa wasiiradda cusub kaasi oo isla maanta Baarlamaanka uu ansixiyay.

Gollaha Wasiirada oo ka kooban 10 xubnood ayaa waxaa kasoo muuqday labo wasiir oo Xukuumadii hore ee Hailemariam Desalegn kuwaasi oo kala ah Wasiiradda Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda.

Dhowr shaqsi oo Soomaali ah ayaa ku jira Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Abiy Axmed.

"Si looga jawaabo dalabka dad weynaha, waa muhiim in isku shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda, tani waxay qeyb ka noqonaysaa isbedelka dhanka hogaanka ee Itoobiya," ayuu yiri Abiy.

Abiy ayaa balan qaaday inuu wax ka qaban doono Musuq-maasuq iyo maamul xumada la dagtay dalkiisa, taasi oo keentay inay rabshado ka dhacaan gobollada ay degaan Oromada iyo Amxaarada.

Boqolaal qof ayay ciidamada amaanka ku dileen gobollada Oromada iyo Amxaaradda intii ay socdeen dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday.

Hailemariam Desalegn, ayaa iscasilay si lama filaan ah bishii February si uu dhabaha ugu xaaro isbedel inuu ka dhaco dalkaasi, maadaama Xukuumadiisa ku guul dareysatay inay wax ka qabato rabshadaha.

Abiy Axmed oo 42 sano jir ah, islamarkaana horey usoo noqday wasiirkii Seyniska Itoobiya iyo Sarkaal ciidan ayaa loo dhaariyay xilka Ra'iisul wasaaraha 2-dii bishan April, kadib is-casilaadii Hailemariam.

Dhanka kale, Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta Gudoomiye u doortay wasiirkii hore ee arrimaha Haweenka dalkaasi Muferiat Kamil, oo katirsan Xisbiga haya talada ee EPRDF.

Dalka Itoobiya oo shacabkiisa lagu qiyaasay 100 milyan ayaa lagu tilmaamay inuu kamid yahay dalalka ugu dhaqaalaha badan Africa, waxaana IMF ay sheegtay in dhaqaalahiisa uu kordhay [10%] 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM