Ra'iisul wasaarihii hore ee Thailand oo baxsatay

Image

Thailand ayaa sheegtay in raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Yingluck Shinawatra ay baxsatay, iyadoo ku guul darreysatay inay ka soo muuqato maxkamadda ayna dhegeysato go`aanka laga gaaray eedeymaha bariiska la xiriira ee loo haysto.

Qareennada u doodaya Yingluck, oo lagu eedeeyay dayacaad ayaa sheegay in haweeneydaasi aysan awoodin inay maxkamadda timaaddo oo ay xanuunsaneyd.

Balse maxkamadda sare ayaa amartay in la soo xiro, waxayna la wareegtay damiin lacageed oo gaaraya $900,000 (£703,000) oo raysal wasaarihii hore laga hayay, iyadoo ay maxakamddu ay go`aanka dib u dhigtay ilaa 27 September.

Yingluck ayaa dafirtay inay wax door ah ku lahayd eedeymaha musuqa la xiriira bariiska oo lagu lunsaday lacag gaareysay balaayiin doollarka Thailand ah. Haddii dembi lagu helo, waxaa lagu xukumi doonaa 10 sano oo xabsi ah, siyaasadda ayaana gebi ahaanba laga mamnuuci doonaa.
Waxa ay muteysan doonto haweeneydii ugu horreysay ee Thailand raysal wasaare ka noqota ayaa abuuray dood ballaaran iyo walaac laga muujinayo waxa dhici doona marka go`aanka lagu dhawaaqo.

Dowladda milatariga ah ayaa isku dayday in taageerayaasha Yingluck ay ka celiso imaatinka maxkamadda sare ee Bangkok, iyadoo cabsi laga qabo inay caro ka muujiyaan haddii haweeneyda xabsi lagu xukumo.
Yingluck walaalkeed oo ahaa raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Thaksin Shinawatra ayaa wuxuu dibbad joog ah, isagoo dalkaasi ka cararay 2008 si uu uga baxsado xabsi lagu xukumay isgaoo loo haystay musuqmaasuq.

Yingluck oo dalkaasi raysal wasaare ka noqota sanadkii 2011 ayaa waxaa lagu eedeeyay sanadkii 2015 musuqmaasuq la xiriiray bariiska. Thailand ayaa wadday mashruuc sare loogu qaadayo dakhliga beeralleyda bariiska, si wax looga qabto saboolnimada, waxaa muuqatay in dowladdu ay ku dhowaad labo jeer lacag ka badan tan suuq auu ka joogo bariiska ay siineysay beeralleyda.

Balse waxay arrintan saameyn xooggan ku yeelatay dhoofinta bariiska ee Thailand, tan oo horseedday in dowladdu ay lumiso lacag dhan $8bn iyo keyd badan oo bariis ah oo dowladdu ay awoodi weysay inay iibiso.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM