Ra'isal wasaare hore ee dalka Portuguese oo lagu wado inuu noqdo Xoghayaha QM

Image

Ra'isal wasaare hore ee dalka Portugal Antonio Guterres ayaa lagu wadaa inuu noqdo Xoghayaha guud ee cusub Qaramada Midoobey kadib markii Lix jeer oo isku xigta golaha amaanka u codeeyey, sidaas waxaa sheegey diplomaasi ka tirsan hay'adaas.

Safiirka dalka Ruushka u fadhiya QM Vitaly Churkin oo kasoo baxey codbixin qarsoon ee loo qaadayey qofka badalaya Xoghaye Ban Ki-Moon ayaa sheegey in Gutterres noqdey qofka ugu dhow oo badali kara madaxii hore hay'ada isagoo xusey in doorashada ugu dambeysa noqoneyso mid la qaado maalinta Khamiista.

"Waxaan fileynaa in Mr. Guterres mas'uuliyada Xoghayaha QM la wareego isagoo xilkaan hayn doona 5 sano ee soo socota." Sidaas waxaa yiri Safiirka Ruushka oo la hadlaya saxaafada.

Codbixintii ay qaadeen maalinimadii Arbacada wadamada haysta awooda qayaxan " Veto" Britain, China, Russia, iyo USA kuwasoo ku codeynayey sanduuq Gooni ay ku muujinayeen iney diidan yihiin iyo in kale musharaxiinta xilkaan. Guterres oo ahaa madaxa hay'ada qaxootiga Qaramada midoobey 10 sano ayaa codadkaan heley 13 cod oo ogol kuwasoo kamid ahaayeen afar wadan kuwa haysta diidmada loo yaqaano Veto, halka labo mid kamid ah yahay wadamada Veto leh aysan wax aragti ah aysan ka dhiiban. 

Ninkaan oo Da'diisu  67 jir tahay islamarkaana Ra'isal wasaare kasoo noqdey dalka Portugal sanadahii 1995-2002, ayaa marka codkiisu dhaafo golaha amaanka waxaa loo gudbinyaa golaha guud kuwasoo codbixin ay ku ansaxiyaan u qaadi doona.

Ra'isal wasaarihii hore ee dalka Portugal ayaa xilkaan waxaa kula tartamayey 8 qof oo kala kuwasoo qaarkood diideen xubnaha aqalka amaanka QM.

Xoghayaha cusub ee QM ayaa qorshahu yahay in xilkaaan uu la wareego bisha January kowdeeda sanadka 2017. 

GAROWEONLINE + WAKALAADAHA 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM